FeaturedSomali News

Villa Somalia, oo codsatay baaritaanka shacab lagu laayay gobolka Gedo | Akhri Waqad ay madaxtooyadu dirtay.

Waqad rasmiya oo ka baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa ciidamada nabad ilaalinta ee AMISON looga codsaday in deg deg loo keeno cadeymo ku saabsan  sababta ay ku sheceen  dilalka  dad shacab ah oo ku dhaqan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo ay layeen askar katirsan AMISON.

 

Warqadda, ayaa lagu sheegay in Askari ka tirsan ciidamada AMISON uu rasaas ku furay dad shacab ah oo aan waxba galabsan taariikhdu markii ay ahayd  21-kii Septemper sannadkan 2020-ka.

 

‘’ Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa ay siweyn uga walaacsantay muqaallada naxdinta leh eek u aadan dhacda lagu laayay dadka shacabka ah. Waxaan ay codsanaysaa baaritaan deg deg ah oo madaxbannaan kuna saabsan dhacdadaasi’’

 

Warqaddan oo xafiiska madaxweynaha dowaladda Federaalka ah ee Soomaaliya  kasoo baxday Khamiistii maanta oo ku beegan 1-da bishan Octobar, ayaa waxaa ku saxeexan lataliyaha Ammaanka ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid Muuse Cali

 

Back to top button