Somali News

Waa imisa Ciidamada Gorgor ee xalay ka soo degay Aadan Cadde?,Sawirro

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeysay Ciidamo ka mid ah Gorgor oo ka yimid Tababar dalka dibaddiisa ah.

Ciidamada ayaa waxaa ay yihiin Ururka 6aad guutada 17-aad ee ciidanka Kumaandooska loo yaqaano Gorgor kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Ciidamada oo tiradoodu gaareyso 481 Askari ayaa soo dhameystay tababarka gaarka ah ee Kumaandooska waxaana ay toos ugu  biirayaan Ciidamada DIfaaca Xoogga Dalka ee fuliya howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen  Xaaji oo la hadlaayay ciidamada Gorgor ee tababarka usoo dhamaaday ayaa kula dardaarmay iney ka qeyb qaataan dhismaha iyo Nabadda dalka, waxuuna u mahadceliyay dowladda Turkiga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu soo tababaro dalka dibadiisa gaar ahaana dalka Turkiga.

Back to top button