Somali News

Waa kuma musharraxa Soomaaliya ee Guddoomiye ku xigeenka Midowga Afrika?

Markii ugu horreysay Taariikhda Soomaaliya ayaa u tartameysa Xilka Guddoomiye ku xigeenka Midowga Afrika.

Kursigan oo sidoo kale ay u tartameyso Dowladda Jabuuti ayaa muhiimad gaar ah u leh dalka Afrikaanka ah ee ku guuleysto.

Xilkan waxaa Soomaaliya u sharraxatay Cawaale Kulane oo ah danjiraha Soomaaliya ee dalka China.

Musharraxa Dowladda Jabuuti waa Haweeneyda lagu magacaabo Xasna Barqad Daa’uud.

Waxaa ay doorashada kursigan dhaceysaa Bisha February sanadka 2021 oo ku beegan xilli doorasheedka Soomaaliya.

Haddii kursigan ku guuleysato Soomaaliya waxaa ay khubarrado saadaalinayaan in Soomaaliya ay fariisan doonto mid ka mid ah goobaha laga jaangooyo Siyaasadda Waddamada Afrika.

 

Back to top button