FeaturedSomali News

Waa kuwama hoggaamiyaasha Trump ka horreeyay ee uu ku dhacay Covid-19 ?

Madaxweynaha Mareykanka iyo xaaskiisa, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka sida weyn u saameeyey adduunka ee Covid-19.

 

Arrintan, ayaa la ogaaday kadib markii cudurka laga helay Hope Hicks oo kamida la taliyaasha sar sare ee ugu dhow madaxweyne Trump.

 

Madaxweyne Trump, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa Manalia Trump, ay galeen xaalad karantiil ah kadib markii laga helay cudurkaas.

Warkan ah in madaxweyne Trump oo ah musharax xisbiga Jahmuuriga laga helay Covid-19, ayaa walaac ku abuuri kara taageerayaashiisa iyo guud ahaan codbixiyayaashiisa.

 

Donald Trump, maaha hoggaamiyihii ugu horreeyay ee uu haleelo  Coronavirus hase ahaatee waxaa jira madax dhowra oo uu cudurkani  uu ku dhacay.

Waxaa kamid ah madaxda kale ee Caalamka ee uu ku dhacay cudurkaasi.

 

Boris Johnson – Ra`iisul Wasaaraha UK ayaa muddo saddex habeen ah ku baryay qeybta daryeelka degdegga ah bishii April kaddib markii uu ku dhacay faysraka, iyadoo markii dambe isbitaalka laga saaray.

Juan Orlando Hernández – Madaxweynaha Honduras ayaa khudbad uu jeediyay bishii June ku sheegay in isaga, xaaskiisa iyo labo ka mid ah kalkaaliyeyaashiida laga helay coronavirus.

Jair Bolsonaro – Madaxweynaha Brazil ayaa bishii July laga helay xanuunka, kaddib markii saddex jeer oo hore oo uu is baaray laga waayay. Wuxuu kaddib dhayalsaday xanuunka isagoo ku tilmaamay “hargab yar”.

Alejandro Giammattei – Madaxweynaha Guatemala ayaa bishii la soo dhaafay laga helay xanuunka kaddib markii uu lix jeer iska baaray. Wuxuu sheegay inuusan darneyn oo uu keliya dareemayo xanuun jirka ah iyo qufac yar.

 

Back to top button