FeaturedSomali News

Waa kuwee labada qodob ee kamida heshiiskii doorashooyinka oo is beddelka lagu samayn rabo? | Akhri Xogtan

 

Qodobkla 11-aad ee heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya, ayaa dhigaya in heshiiskaas la horgeeyo baarlamanka si ay u ansixiyaan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday baarlamanka in ay ansixiyaan heshiiska isla markaas ay meel mariyaan.

Hadaba, waxaa jira qodobbo dhawra oo xildhibaannada qaar sheegeen in loo baahanyahay in wax laga beddelo.

Labadan qodob, ayay qaarkamida xildhibaannadu sheegeen in lagama maarmaan  ay tahay in waxka beddel lagu sameeyo.

 

  1. Goobaha doorashadu ka dhacayso oo markii hore lagu koobay 2 goobood oo keliya, ayaa la hadal hayaa in laga dhigi rabo 4 gobood in doorashadu ka dhacdo.

  1. Soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada, waxaana ay diidan yihiin in ururrada rayidka ah iyo Dowlad goboleedku ay beesha xildhibaanka leh u gacan dhaafaan waxaana ay sheegeen in loo madax baneeyo Beesha kursiga iska leh, laakiin Guddiga doorashadu ay ku sameeyaan ergooyinka xaqiijin adag.

Sikastaba ha ahaatee qodobadan lagu heshiiyay, ayaa lagu wadaa in maalmaha dhow la horgeeyo baarlamanka Soomaaliya, waxaana lays wadiinayaa maxaa dhici kara haddii goluhu isbeddel ay dantooda ama cidda ay wataan ka arkayaan  lagu sameeyo qodobada lagu heshiiyay.

 

Back to top button