FaaqidaadQormooyinkaSomali News

Waa maxay sababta uu Farmaajo u dedejinayo doorashada?

doorasho

Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ayaa heshiis siyaasadeed ku Kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa muujinaya in doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ay waqtigooda ku dhacaan taas oo waxbadan la filayay in aysan suuragal ahayn.

Iyada oo dad u badan mucaaridka Muddo kororsi  ku eedeynayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa hadda soo baxaya shaki ku saabsan in Madacweynuhu fursad ka dhex arkay waqtiga yar taas oo u suuragelin karta in uu kursiga sii heysto afar sano oo kale.

Dhawaan waxa soo baxday in koox gaar ah oo Madaxatooyada u qaabilsan dabagalka iyo la socodka mucaaridka ay soo gudbiyeen in Ragga uu damaca kaga jiro madaxtooyada aysan diyaarsaneyn dhaqaale ahaan taasna ay fursad weyn u tahay Madaxweyne Farmaajo.

Waddamada taageera Musharrixiinta Soomaalida ah ayaa sida warbixintu xuseyso hoos u dhigay dhaqaalihii ay siin jireen Mucaaridka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodayay in uu doorasho qof iyo cod ah qabanayo halkaas oo uu ka arkayay sida kaliya ee uu ku soo laaban karo.

Laakiin heshiis siyaasadeedkii 17kii September 2020 ayaa meesha ka saaray doorasho qof iyo cod ah, Madaxweyanaha ayaa hortagay Golaha Baarlamaanka kana dalbaday in heshiiskaan la ansixiyo.

Inkasta oo wali shaki ku jiro in doorashada sida heshiiskan ku xusan u qabsoonto haddana waxa jira fursad uu madaxweynaha isku dayayo in uu kaga faa’ideysto mucaaradka dhaqaale ahaan aan isku toosneyn.

Waxaa kale oo jira in heshiiskan ay tahay in ay fuliso xukuumadda Ra’isalwasaare Rooble oo isaga xafiiska ku cusub ayna tahay in uu soo dhiso xukuumad cusub oo uu Baarlamaanka ansixiyo, xafiiska la wareegta kaddibna shaqadeeda qabsata, taas oo qaadan karta laba bilood ugu yaraan.

Mucaaridka ugu weyn ayaa hadda ah Madashada Xisbiyada oo ay Ku wadajiraan Madaxweynayaashii hore kuwaas oo mid walba doonayo kursiga, sidoo kale waxaa jira C/Raxmaan C/Shaking oo isna horay u soo noqday wasiirka qorsheynta Xukuumaddii KMG ka ahayd ee uu Hoggaaminayay Cumar C/rashiid sanadkii 2009kii.

 

Back to top button