Somali News

Waa tuma Gabadha Soomaaliyeed ee Warshadda Sokorta ka hirgelisay Uganda?

Madaxweynaha Uganda ayaa xarigga ka jaray Wershad weyn oo Sonkoreed taas oo Aamina Mooge, ka hirgelisay gudaha waddankaasi.

Aamina, ayaa ah gabar  Soomaaliyeed oo maalgashi ballaaran ka samaysay Uganda iyo waddamo kale.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in Wershaddani soo kordhin doonto shaqo abuur iyo Dhaqaale buuran.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, Ra’isulwasaare Ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, Marwada 1aad ee dalka Saynab Macalin, Ganacsato ka kala socda dalalka Uganda iyo Soomaaliya  ayaa ka qeybgalay munaasibadda xarig jarka ah ee Warshadda Sokorta.

Back to top button