Somali News

Waare oo ku wajahan Baladweyne

Maaxmed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana wararku ay sheegayaan ay socoto qaban-qabada ku aaddan safarka Waare.

Maadxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya xubno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo isugu jira Xilshibaanno iyo wasiirro, kuwaas oo intii Waare Muqdisho ku sugaa la lahaa kulammo gaar ah, oo sida la sheegay looga hadlayay arrimo dhowr ah oo quseeya siyaasadda Maamulka Hirshabbeelle.

Ujeedka Waare ku tagayo Blaadweyne ayaa waxaa uu yahay sidii uu Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan uu kala hadli lahaa soo xulista Xildhibaanada Cusub ee la filayo in ay qayb ka noqdaan Doorashada maamulkaas dhawaan ka dhici doonta.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa wajahaya xaalad u muuqata kala guur, waxaana hadda billowday Olaha Murashixiinta iyo sidoo kale soo dhisidda Xildhibaanno Cusub, kuwaas oo soo dhisi doona Dowlad ay ku heshiis ku yihiin Beelaha ku mideysan Maamulkaas Hir-shabeelle.

Back to top button