Somali News

Waddamada IGAD oo loogu baaqay in ay sare u qaadaan miisaaniyaddooda la tacaalidda Abaaraha

Urur Goboleedka IGAD ayaa loogu baaqay in ay kordhiyaan Miisaaniyadda ay ugu tala galaan ka hortagga abaaraha iyo la tacaalidda musiibooyinka.

Shirka 12aad ee Guddiga fulinta IGAD oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Mombasa ee waddanka Kenya ayaa waddamada 8 ah ee ku jira IGAD looga codsaday in ay xoogga saaraan wada shaqeynta la tacaalidda xaaladaha deg degga ah sida abaaraha,fatahaadaha iyo cunto la’aanta.

Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu,  ayaa sheegay in 70% dhulka Urur Goboleedka IGAD uu yahay oomane aan biyo lahayn taasina ay dhibaato ku tahay dad ka badan 200Milyan oo ku nool Gobolka.

Waddamada Xubnaha ka ah Ururka ayaa lagu war geliyay iyaga oo wdaa shaqeynaya in ay sanduuq gaar ah u sameeyaan la tacaalidda musiibooyinka ka jira Gobolka iyada oo ku tiirsanaanta Caalamka ay sii yaraaneyso maaddaama Xanuunka faafa ee Covid19 uu dunidu wax weyn u dhiman.

Back to top button