Somali News

Waddooyinka Muqdisho oo dib u furmay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ciidamadii Booliska ahaa ee xiray Waddooyinka Magaalada Muqdisho ka qaadday iyada oo ilaa hadda aan la ogeyn sababta.

Ciidamadan ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay ku hoyday waddooyinka Muhiimka ah ee Magaalada waxaana ay wateen Gaadiidka dagaalka.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in amniga Muqdisho ay wax ka qabaneyso iyada oo banaanbixii qorsheysnaa ee midowga Musharrixiintana la baajiyay.

Dadka iyo Gaadiidka ayaa si caadi ah u maraya waddooyinka kala duwan ee Magaalada mana jirto meel ay Ciidamada ka celinayaan dadka marka laga reebo jidad horay u xirnaa.

Shacabka Muqdisho ee danyarta ah ayaa aad uga walwalsanaa xirnaanshaha Waddooyinka ee maanta maaddaama ay tahay Sabti dadkuna billaabayaan shaqooyinka todobaadka.

Back to top button