Somali News

Waddooyinka Muqdisho maanta xiran

Inta badana waxaa saaka xiran jidadka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka muhiimka ah ee laamiyada iyo jid caddayaasha ayaa lagu arkayaa Ciidamada loo yaqaan koofi casta.

Ciidamada ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya waddooyinka iyaga oo Ku amraya in gaadiidka ay laabtaan.

Hay’adaha Dowladda ayaan wali dadka rayid ah la wadaagin sababta jidadka looga xiray.

Waa maalin shaqo iyo waxbarasho waxaana saaka lugtooda maalaya dadweynaha isugu jira arday, shaaale, bukaanno iyo dad dano ka lahaa Magaalada.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan la qaatay saraakiisha Booliska Isaga oo Ku wargeliyay in ay wax ka qabtaan falalka amni darrada ah ee ka jira Magaalada.

Back to top button