Somali News

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo Kismaayo iyo Garowe kula kulmaya madaxda maamulladaas

Magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Wafdigan oo shalay gaaray Magaalada Garowe ayaa waxaa ay kulan la leeyihiin madaxda maamulka Puntland ee ka biya diiddan shirka uu Madaxweynaha Soomaaliya uga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

kulanka Garowe kaddib wafdiga beesha Caalamka ee jooga Puntland waxaa ay u safrayaan Magaalada Kismaayo ee Jubaland halkaas oo ay kula kulmayaan Madaxda maamulka Jubaland.

Waxaa ay kala hadlayaan sidii ay Jubaland qeyb uga noqon lahayd shirka wadatashiga qaran ee Muqdisho ka furmaya kaas oo kulankiisii horudhaca ahaa furmay shalay.

Beesha Caalamka wakiillada ka socda ayaa lagu wadaa in ay isla galabta ku soo laabtaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Back to top button