Somali News

Wafdi ka socda QM, IGAD iyo AU oo gaaray Dhuusamareeb

Waxaa  Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ka degay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Wafdiga ayaa waxa qeyb ka ahaa Wakiilo ka kala socday EU-da Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xibno kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee James Swan iyo xubnaha welinaya ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in James Swan uu sigaar ah Madaxweyne Qoorqoor uu kala hadli doono Arrimo ku aadan Doorashada dalka ka dhaceysa ee 2020/2021 heshiiskana laga gaaray iyo xaaladda guud ee deegaanada Galmudug.

Back to top button