FeaturedSomali News

Wakhtiga ay qabsoomayaan doorashada baarlamanka oo laga heshiiyay.

Wararka kasoo baxaya shir ay Villa Soomaaliya ku leeyihiin madaxda dawlad goboleedyada iyo kuwa dawladda Federaalka ah, ayaa sheegaya in lagu heshiiyay wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomayso doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

 

Waxaa lagu warramayaa in laysla afgartay in doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka ee Soomaaliya ay qabsoonto laga bilaabo 15-bishan Octobar ilaa 15-bisha dambe ee Nomvernber, halka doorashada xubnaha golaha shacabkana lagu wado in ay qabsoonta bisha Novernber ilaa bisha December.

 

 

Madaxda ayaa heshiis ku gaartay in la dhiso saddex guddi oo kala ah heer federaal, heer maamul goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka oo uu soo magcaabayo madaxweynuhu.

 

Back to top button