FeaturedSomali News

Wakiilo ka socda 15 Dal oo Shir uga furmayo Muqdisho & Wufuudii ugu horeysay oo lasoo dhoweeyay (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho ayaa marti gelineysa shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socota 15 dal oo islaam ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay marti gelinta shirkan oo Berrito  27-ka Oktoobar, ka dhici doona magaalada Muqdisho, ayna ka qeybgeli doonaan 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo markii ugu horeysay shirkaasi ay martigelineyso caasimadda Soomaaliya.

Dalalka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay kala yihiin:

1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen

Wufuudii ugu horeysay ee dalalka Boqortooyada Sacuudiga, Turkiga, Malaysiya iyo wafdi uu hoggaaminayo Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Hishaam Yuusuf ayaa maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalaa Muqdisho oo ay ku soo dhoweeyeen Madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 5 people, including Abdullahi Hassan, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting

Tags
Close
Close