Somali News

War-Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasiirada Arrimaha dibadda Somalia, Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya (Sawirro)

Kulan ay hormuud u ahayd dowladda Somalia oo magaalada Jabuuti ay ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya,  Soomaaliya, iyo dalka Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “Booqashadan muhiimka ah waa natiijada dadaalka wadajirka ah ee dalalka gobolka, waxayna u taagan tahay qiimaha uu ku fadhiyo hindisaha lagu heshiisiinayo dalalka gobolka iyo sidoo kale tallaabo weyn oo loo qaaday adkaynta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, ayadoo lagu taageerayo is-dhexgalka dhaqaale ee geeska Afrika”

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed ugu tageen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kulan kooban la qaateen.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay in la gaaray xilligii nabada Jabuuti iyo Eritrea, isla markaana bog cusub loo furay xiriirka labada dal, kadib booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ku tegay Jabuuti.

Dadaalka nabadeed ee nabadeynta Geeska Afrika iyo waanwaanta dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa waxaa hoggaaminayey dowladda Soomaaliya oo dadaal weyn ku bixisay arrintan, taasoo ah guul diblomaasiyadeed oo ay gaartay Soomaaliya.

 

Tags
Close
Close