FeaturedSomali News

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal Culus oo ka socda Magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu halkaas dagaal ku dhex marayo ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo qaab beeleed u abaabulan.

Labada dhinac aya is weydaarsanaya hubka culus iyo kuwa fudud, waxaana la soo weriyay inay ilaa afar qof ku dhinteen oo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada ay la dagaalamayaan ciidamo beeleed is abaabulay oo maamulka ka horjeeda.

Dagaalka ka qarxay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada iyadoo ciidamo badan lagu arkay magaalada.

Tags
Close
Close