Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Warbixin: Alshabab oo weerarkii ugu Qaraxyada badnaa ku qaaday Muqdisho & Maleeshiyo toogasho lagu dilay

in ka badan 20 qof ayaa ku dhintay, 40 kalena waa ku dhaawacmeen saddex qarax oo kooxda Alshabaab ku qaaday Galabta Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Weerarrada oo loo adeegsaday Gawaari  laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyo hubeysan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab oo u badan kuwii xilligaasi mareyay Wadadda KM4, siiba Gaari nooca BL-ka ah oo qaraxu ku qabsaday Hotelka hortiisa.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay  inay toodasho ku dileen shan ka tirsan maleeshiyada Alshabaab isku dayday inay gudaha u dagaal Hotelka si ay uga dhex dagaalamaan.

Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in maleeshiyaadka ka tirsanaa Al-Shabaab oo qaraxyada kaddib isku dayey inay gudaha u galaan Hotel Saxafi ay toogasho ku dileen ciidamada amniga, waxayna gaarayeen lix maleeshiyo.

Muuqallada maleeshiyada Alshabaab ayaa la soo bandhigay, waxayna hay’adaha amniga baajiyeen in maleeshiyada ay gudaha u galaan Hotelka, inkastoo ay ka hortegi waayeen qaraxyo gaaraya saddex oo Alshabaab ay soo abaabuleen

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media