
Qarax is-miidaamin ahaa lala beegsaday xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa sheegtay kooxda Alshabaab.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey oo uu waday ruux is-miidaamiye ahaa, wuxuuna qaraxa si weyn u baabi’iyey xaruntii degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana k adhashay qasare dhimasho dhaawac leh oo uu wehliyo burbur hanti.
Dadka ku dhintay qaraxa ayaa lagu sheegay 4 qof, iyadoo dhaawacuna sare u dhaafay 15 kale. Waxaa burbur weyn oo ka dhacay xarunta degmada Hodon, iyado sidoo kale ay burbureen laba masjid iyo xarumihii ku dhowaa degmada Hodon.