Somali News

Wariyihii Wareystay Abuukar Cumar Caddaan oo xabsiga la dhigay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay wariye Habeen hore wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.

Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ayaa  xabsiga dhigay Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho.

Wariyaha ayaa dhawaan wareystay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ku baaqay in la laayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Xerada Xalane, sidoo kalena sheegay in uu mabda’ ahaan taageersanyahay Al-Shabaab.

wararka ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto inuu faafiyay war lid ku ah amniga iyo wareysiga uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar.

Back to top button