FeaturedSomali News

Wasaaradda Amniga: “Cunaqabateyn ayaa saaran Mukhtaar Roobow, mana geli karo Doorashada K/Galbeed..” (War-saxaafadeed)

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid Musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka K/Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah sida safarrada iyo Dhaqaalaha.

“Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen. Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda..” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Soomaaliya

HOOS KA AKRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Tags
Close
Close