Somali News

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Mac-hadka Diplomaasiyadda

Tacsi Marxuum Yusuf Alasow Mohamud

Muqdisho, March 01, 2021 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, Wasiiru dowlaha Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Yuusuf Calasow Maxamuud, Agaasimihii Machadka Diblomaasiyadda oo xalay 23:30 pm Axad, 28 February , 2021 ku geeriyooday hoygiisii Magaalada Muqdisho oo muddo ka yar todobaad uu ku xanuunsanaa.

Marxuum Yuusuf Calasow Maxamuud oo hore Siihaye Safiir uga noqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Suudaan, sidoo kale macallin ka noqday Kulliyadda Siyaasadda Iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanadkii 1987, ayaa sidoo kale macallin ka ahaa sanadkii 1988 macallin ka noqday Machadka Diblomaasiyadda , iyadoo xilligaasi ay tahay markii ugu horreysay ee uu ku soo biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo.

Back to top button