Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Go’aan Culus kasoo saartay Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed (Akhriso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa go’aan culus ka qaadatay Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana War-murtiyeed kasoo baxay lagu caddeeyay inaan la aqbali karin dib u dhac ku yimaada waqtigii doorashadaasi loogu talogalay inay qabsoonto.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.
Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.
Dhammaad

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ka dooday tira-koobka shaqaalaha & Deyn Cafinta

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo: “30-kii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxa lagu hayey faragelin toos ah, laakiin..” (DAAWO)

Wadani Media

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media