FeaturedSomali News
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku celisay inay taallo gogoshii uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyey 16-17 September
madaxda dowlad Goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay dhageysato oo ay ka garowdo tabashooyinka ay soo gudbiyeen madaxda maamul Goboleedyada.
Wasaradda waxay sheegtay in xal u helida arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya ay u taallo umadda Soomaaliyeed, waxayna maamul Goboleedyada doorashu kusoo fool leedahay laga dalbaday inay qabtaan doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loogu talogalay.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA