Somali News

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka.Banaadir oo qalab caafimaad gaarsiiyay Isbitaal Martiini

Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobalka Benaadir ayaa maanta Daahfuray Barnaamijka Wacyigelinta Balaaran ee Kahortaga soo laba Kacleynta Casbuqa Covid19. Daahfurka waxaa kahadlay Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur iyo Guddoomiyaha Gobalka Benadir iyo Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Filish).
Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha iyo Maamulka Isbitaalka DeMartini kuwaas oo nafooda u huray Badbaadinta dadkii uu soo rito Xanuunka Halista ah ee Covid19.
Guddoomiyaha ayaa ku wareejiyay Isbitaal Martiini qalab loogu talagalay kahortago Caabuqa Covid19, Isagoo balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka uu kala shaqeeyn doono xoojinta dadaaladda lagu xakameynayo faafidda Cudurka Covid19.
Wasiir Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka guddoontay Guddoomiyaha Agabka Caafimaad, waxeyna uga Mahadcelisay garab Istaaga Joogtada ah ee Guddoomiyaha iyo Dhamaan MaamulkA Gobalka Benadir la garab taaganyihiin Wasaaradda iyo Isbitaalaka DeMartinin.
Back to top button