Somali News

Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay Istiraatiijiyadda Nafaqada Qaranka ee 2020-2025

Wasaaradada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta soo bandhigtay Istaraatiijiyada Nafaqada Qaranka 2020-2025 (Somali Nutrition Strategy 2020-2025) taasi oo lagu qabatay HOTEL JAZEERA, Istaratiijiyada ayaa taabanaysa himilooyinka ay soomaaliya hiigsanayso ee wanaajinta heerarka nafaqada dhamaan Bulshada Soomaaliyeed wadanka si loo yareeyo, loogana hortago dhimashadda laxairiirta nafaqadarada ee hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay khubaro iyo madax kasocotay Hay’addaha Dollada Federaalka, Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowllad Gobaleedyada, Hay’adaha Samafalka iyo bahda Gacsiga.

Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa kahadashay muhimada Istaraatiijiyada waxaana khudbadeedii kamid ahaa:

“Marka aan si wanaagsan u maalgashano habka nafaqada, waxaan maalgashanay, mutaqbalka caruurteena, waxaana rumeysanahay in istiraatiijiyada nafaqada dalka in ay ka tarjumeeyso sida wasaaradda caafimaadka soomaaliya ay uga go’antahay ilaalinta caafimaadka nafaqada caruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, anigoo. ku hadlaya magaca Wasaaradda Caafimaadka Soomaalia iyo guud ahaan Dowlada Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa in aan ku booriyo dhamaan, hay’adaha Dowlada Federaalka, Maamul Goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midowbay, Hay’adaha Maxaliga, Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo kuwa Waxbarashada in ay u adeegsadaan istiraatiijiyada dhamaan barnaamijyada iyo mashaariicda nafaqada dalka iyo barnaamijyada gargaarka nafaqada dalka”

Back to top button