Somali News

Wasaaradda Caafimaadka oo lagu qabtay kulan lagu soo dhaweynayay saxiixa Sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta qabaty kulan ay ku soo dhaweynaysay saxiixidda Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ), oo uu saxiixay Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka Dr. Fawziya Abiikar Nur, oo uu Weheliyo Wasiir Ku- Xigeenka wasaardda Dr. Axmed Xuuseen Macallin.

Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ka socotay Madaxtooyada, Aqalka Sare Sharcigaan ayaa mudda dheer lasugayay saxiixidiisa ilaa Sanaddkii 2014.

Maadaama la saxiixay Sharcigan Wasaardda Caafimaadka ayaa sheegtay in ay  dadajineyso sameynta guddiga fulinaya hawsha sharciga mihnadlayaasha.

Back to top button