Somali News

Wasaaradda Gaadiidka Somalia oo joojineysa in Dalka la keeno Baabuurta Isteerinka Midigta leh

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dhaqan gelinayo shuruucdii hoe ee Gaadiidku lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Cali Gacal Gaabow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xeerkan oo ka kooban 24 Qodob ay ku dhaqmi doonaan Gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa Gaadiidka Dalka.

Xeerkan cusub ayaa suurtagelin doona in la mamnuuco Baabuurta uu Isteerinkoodu yahay dhanka Middig ee sida weyn hadda dalka looga isticmaalo iyadoo habka wado marista uu yahay mid ku saleysan nidaamkii hore Isteerso Bidixda, kaasoo la soo celin doono si loo badbaadiyo Nafta iyo hantida Shacabka.

“Xeerkani wuxuu suurto gelinayaa haddii la dhaqan geliyo in Baabuurtaana la joojiyo, Baabuurtii dalka tiillayna ay si nadaam ah u socdaan, xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu Magaalada Muqdisho isbeddel badan ka yimaaddo” Ayuu yiri Agaasime Gacal.

Wuxuu agaasimaha sheegay in shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira Magaalada Muqdisho ay sababtay xeerka wadda wadda marista oo khaldan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin Gaadiid leh Shukaan Midig leh, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga Imtixaanaadka tababarna la siin doono.

Tags
Close
Close