Somali News

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay askareynta Carruurta

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ka hadashay ka hortagga Askareynta Carruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa kulan looga hadlay Dardargalinta Howlaha Hortabinta leh Ee Wasaaradda gaashaandhigga XFS waxa uu la qaatay Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xafiiska ka hortagga askareynta Caruurta (CPU ).

kulanka oo diiradda lagu saaray Xoojinta wada-shaqeynta ayuu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Faray Xafiiska ka hortagga askareynta caruurta iyo Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Ee wasaaradda in si toos ah ay u wada-shaqeeyaan .
Ugu dambeyntii Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhammaan Howladeena kula dardaarmay u adeegida Shacabka Soomaaliyeed .

Back to top button