Somali News

Wasaaradda Qorsheynta DF oo shir Ku soo gabagabeysay Kismaayo

Shir Wadatashiga Mashruuca kasoo Kabashada xasaradaha Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kismayo, waxaaba ka qeybgalay Madaxda Wasaaradaha Dowladd gobaleedka Jubaland Soomaaliya,

Asad Yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriirka deeq-bixiyeyaasha ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay hay”adaha dowlad gobaleeedka Jubalanad Soomaaliya iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka qeybgalay Wadatashiiga Mudnaansiinta ka soo ka bashada xasaradaha Soomaaliya ayaa inta uu socda si weyn u falanqeeyay ahmiyadda maamulka ee u baahan wax ka qabashada abaaraha, fatahaada, Ayaxa iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee saameeynta ku yeesha bulshada nugul.

Mashruucan ayaa ah deeq Maaliyadeed oo Baanka Adduunka ku taageeray dowladda Soomaaliya taasi oo gaarayso $137.5M lagana fulinayo eeriyooyinka kala duwan sida;

B. Kasoo kabashada daadadka iyo soo celinta adeegyada asaasiga;

T. Dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyada iyo kaabidda hab-nololeedyada ay saameeyeen fatahaadaha;
J. U Diyaargaroowga xasaradaha ee muddada fog,

X. Ka jawaabidda musiibooyinka dabiiciga ah ee sida degdega bulshada saameeya…..

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa bangiga aduunka ayaa wado hawlo iyo dadaalo fara badan oo ku aadam kahor taga iyo kasoo kabashada masiibooyinka wadanka wajaha oo ey ka mid yihiin abaaraha, ayaxa, fatahaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

 

Back to top button