Somali News

Wasiir Beyle oo beeniyay hadal dhawaan ka soo baxar RW Kheyre

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay hadal dhawana ka soo baxay Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan cali Kheyre.

Kheyre oo Khudbad ka jeedinayay shir ay musharrixiinta mucaaradka ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga joojiyay dhaqaalihii ay ka heli jirtay Caalamka.

Xasan Cali Kheyre ayaa intaas ku daray in sababta lacagaha looga joojiyay dowladda Federaalka ay tahay khilaafka Guddiga doorashada ee daka ka jira.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa arrinkaas ku tilmaamay midaan jirin waxaana uu xusay in lacagaha u socdaan.

”Lacagaha saddex qeybood ayeey ka yimadaan,  AUda ayeey ka yimadaan, African ka yimadaan, iyo World Bankiga, intaba waan helnaa lacagahaas” wax la joojiyayna ma jiraan, hadba sida aan iskula fal galno ayeey ku xiran tahay ayuu yiri Wasiirka. ayuu yiri Mr Beyle.

Back to top button