Somali News

Wasiir Beyle oo xuquuqda Ciidanka kala hadlay Wasiirka Difaaca

Wasiirka Wasaarada Maaliya Xukuumada Soomaaliya Abdiraxman Ducalle Beyle ayaa kullamo la qaatay Madaxda Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ay ka wada hadaleen Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa.

Wasiirka Bayle oo Qoraal soo dhigay Bartiisa Facbooke-ga soo dhigay ayaa sheegay in  Muhiimda 1aad ay tahay in la taageero ciidamadanka Xooggan ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Bayle ayaa ugu dambeen u mahadceliyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee saaka shirkaasi ka qayb galay.

Back to top button