Somali News

Wasiir Dubbe: “Dalku Afgambi ayuu ka badbaaday Jimcihii la soo dhaafay”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Prof Dubbe ayaa sheegay in Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay laga sameeyay isku day Afgambi.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ka hortageen isku daygaas Afgambi oo la damacsanaa in dowladda lagu rido.
“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, ku MD xigeen ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas”.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka qeybgalayay dood isaga iyo musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle loo qabtay oo ku saabsaneyd xaaladda cakiran ee dalka.
Back to top button