Somali News

Wasiir Dubbe: ” jawaabta Guddiga IGAD ee xaaladda Kenya iyo Soomaaliya fajac ayey nogu noqotay”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay Jawaabta Guddigii ay IGAD u xil saartay xal u raadinta xaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay sida aanay Guddigaasi dhex dhexaad u ahayn.

Waxyaabaha uu ku eedeeyay waxaa ka mid ah in Guddiga dhamaan warbixinta ay ka soo xigteen Munica Juma oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Waddanka Kenya.

Waxaa uu shaki geliyay in xitaa warbixinta ay qortay Munica Juma,waxaa kale oo uu sheegay in Guddiga ay diideen in ay u gudbaan dhinaca Soomaaliya, sidoo kale markii ay Xamar imaadeen ee loo soo jeediyay in loo qaado Gedo ay ka biya diideen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkii 25kii bishan uu qeyb ka ahaa hagardaamaa ay Kenya wadday,waxaana uu IGAD ugu baaqay in ay ka fiirsato jawaabaha noocaas ah.

Back to top button