FeaturedSomali News

Wasiir Goodax Barre, oo Faceboog-giisa ku baahiyay hees fashilkiisa ka hadlaysa.

 

Sii’hayaha xilka wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, xildhibaan Cabdillaahi Qoodax Barre, ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook waxa uu ku baahiyay hees muuqaal ah oo meel qashin badan ay  kusoo qaadeen fannaaniin dhallinyaro ah.

 

Heesta, ayaa waxa ay ka hadlaysaa Tayo cumada tacliinta ee waddanka kajirta, dhaqaale xumada iyo dhibaatooyinka haysta dhallinyarada oo ay ahayd in masuuliyiinta xilalka hayaa ay  waxka qabtaan ama ugu yaraan fahamaan in ay jirto dhibaatadaasi.

Qoodax Barre, ayaa sheegay in uu heesta dhegeystay isla markaana u fahmay in dhallinyaradu ay hibadooda kusoo bandhigeen kana hadleen waxa dareen kooda ka guuxaya.

 

 

Qoodax Barre, ayaa muddadii uu hayay xilka wasiirka waxbarshada waxa lagu tilmaamay in uu yahay  wasiirkuu ugu xumaa ee niyad jabiyay dhallinyaro badan isaga oo siyaasad geliyay manhajkii waxbarshada.

 

Waxa uu khal-khal ku abuuray nidaamka waxbarasho ee Puntland. Waxaana Qoodax uu noqday nin aan waxba kala socon qaabka ay usocoto nidaamka waxbarshadu maadaam uu dadka u sharrixi waayay sababta keentay in ay Imtixaanka baasi waayaan inkabadan 8,000 oo arday dugsiyada sare ee gobolka Banaadir ah.

Back to top button