FeaturedSomali News

Wasiir Goodax, muxuu kayiri dilkii iyo kufsigii gabarta yar | Akhri Xogtaan.

 

Wasiirka waxbarashada Jamhuuriyadda Federaalkka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii foosha xumayd ee kufsiga  iyo dilka loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

 

Ciidanak Booliiska ee Soomaaliya, ayaa maalintii shalay ahayd ee sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 4 ruux oo loo tuhunsanyahay dilkii  Xamdi Maxamed Faarax.

 

Gagartan yar oo leesheegay in jirtay da’da 19, ayaa l;a kusday kadibna waxaa lasheegay in laga soo tuuray dabaq ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.,” ayuu yidhi wasiir goodax.

 


Wasiir Goodax ayaa sheegay Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay gudaha Soomaaliya.

 

 

Wasiirka, ayaa ka codsaday laamaha  Caddaaladda in ay  sharciga waafijayaan ciddii ka dambaysa dilkaas iyo kufsiga loo geystay gabartan da’da yar.

 

Back to top button