Somali News

Wasiir Jamaal: “waa inaan ogaanaa Hay’adaha waddanka ka shaqeeya halka ay lacagaha marsiiyaan”

Wasiirka Qorsheynta nXukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in  dowladda looga baahanyahay in ay xoogga saarto lacagaha dalka soo gala sidii loola socon lahaa gaar ahaanna midda hay’adaha caalamiga ah.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo shirka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ka hadlayay ayaa sheegay in loo baahanyahay la xisaabtanka Hay’adaha.

Waxaa uu Wasiirku xusay in kaliya aan loo baahneyn in lala xisaabtamo lacagaha dadka Soomaalida ah soo geliyaan dalka ee loo baahanyahay sidoo kale la xisaabtanka Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya dalka.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in lacag ka badan $2Bilyan oo doollar ay dalka soo gasho gaar ahaana deeqaha Caalamiga ah ee ay helaan Hay’adaha kuwaas oo aysan dowladdu la socon sida ay dalka ku soo galaan.

Back to top button