Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo iska casilay xilalkii Xukuumadda & Baarlamanka Somalia

Wasiirkii Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa xilkii wasiir iyo xildhibaannimo iska casilay maanta si uu musharax madaxweyne uga noqdo maamulka Koofur Galbeed.

Xilka wasiir ayaa  loo magacaabay bishii May ee sanadkan 2018, kadib markii uu tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna magaalada Baydhaba uga dhawaaqay inuu u sharxsan yahay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelinaayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ii magacaabay xilkaas wasiirnimada, waxaana ka codsanaayaa inuu iga aqbalo is-casilaaddeyda, maadaama aan go’aansaday inaan  tartankan madaxweynaha k/galbeed ka qeybgalo” ayuu yiri c/casiis Lafta-Gareen.

Gudiga Doorashooyinka Koofur Galbeed ayaa shuruudaha ka qeybgalka musharaxnimada Madaxweynaha Koofur Galbeed kusoo daray inuusan tartanka ka qeybgeli karin qof haya xil ama masuuliyad siyaasadeed oo kale, waana sababta uu Lafta-gareen isaga casilay jagadiisii wasiirnimo.

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ka dooday tira-koobka shaqaalaha & Deyn Cafinta

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo: “30-kii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxa lagu hayey faragelin toos ah, laakiin..” (DAAWO)

Wadani Media

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media