FeaturedSomali News

Wasiir kuxigeen lagu toogtay degmada Jowhar.

Wasiir kuxigeenkii diinta iyo Awqaafta maamul goboleedka Hirshabeelle ahaana xildhibaan ka tirsan baarlamanka maamulkaasi, ayaa xalay goordambe lagu toogtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

 

 

Wasiirka, ayaa la toogtay wakhti uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadda , waxaan meeshii ka baxsaday dablaydii geysatay dilka.

 

Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame, ayaa kamid ahaa xildhibaannada ugu saamaynta badan Hirshabeelle . Waxaana laga soo doortay degmada matabaan ee gobolka Hiiraan.

Back to top button