FeaturedSomali News

Wasiir Qoodax, oo tilmaamay 4- arrin oo sababay in 8,550-kii arday ay Imtixaanka dhacaan.

 

 

 

Wasiirka waxbarshada   Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdilaahi Qoodax Barre, ayaa markii ugu horreeysay waxa uu tilmaamay afar sababood oo sifiican aan loogu qanci karin in ay keeneen dhicitaankii xad-dhaafka ahaa ee ardayda dusiyada sare ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Qoodax, ayaa dhicitaanka 24% tirade guud ee arday imtixaanaadka ka gashay Muqdisho ku tilmaamay in ay sabab u ahaayeen afartan qodob ee hoose.

 

  1. Sixitaanka imtixaanka oo aad loo adkeeyay.

  1. Cillad ugaar ah caasimadda oo ay sababtay weynaanteedu.

  1. Nidaamka waxbarshada e gobolka banaadir eoo aad u kala baahsan

  1. Iskuullada gaarka loo leeyahay oo ardayda ka boodsiiya fasallada qaar.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maalintii shalay ahayd lagu dhawaaqay natiijadiisa, ayaa lasheegay in 8,550-arday. oo kamid ah tiradii u fariisatay imtixaanka ay gudbiwaayeen waxaana arrintaasi ay abuurtay hadal hayn aad u weyn.

Back to top button