FeaturedSomali News

Wasiirada Arrimaha dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo wadajir uga degay Garoonka Muqdisho (Sawirro)

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Ertirea Dr. Workneh Gebeyehu iyo Osman Saleh  ayaa si wadajir ah uga degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan labada dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea waxaa ka dhex muuqday la-taliyaha madaxweynaha Eritrea, waxaana Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Kulan saddex geesood ah ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro saddexa dal, waxayna wasiiradu la kulmi doonaan madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Tags
Back to top button
Close
Close