FeaturedSomali News

Wasiirka Amniga K/Galbeed: “Anaga ayaa dalbanay Ciidamada dowladda, kuwa kalena wau imaan doonaan Baydhaba..”

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay  in dowladda Soomaaliya ay ciidamo geysay  magaalada Baydhabo  uu dalbaday Maamulka Konfur Galbeed .

“Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada baydhabo horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socoto deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Xuseen ayaa xusay in argagixisada Al-Shabaab ay doonayaan inay qal qalgeliyaan doorashada, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada la keenay magaalada ay gacan weyn ka geysan doonaan sugidda amniga magaalada Baydhabo.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya waxa ay ka midtahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad gelyada”. ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed  oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa isna sheegay in Ciidanka Koofur Galbeed iyo Ciidanka Booliska ah ee la geeyay maanta Baydhabo ay iska kaashan doonaan Sugida Amniga iyo ladagaalanka Aragagixisada Al-Shabaab.

Tags
Close
Close