Somali News

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Ra’isalwasaaraha Qadar

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda Waddanka Qadar kula kulmay Ra’isalwasaaraha Qadar Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa shir Caalami ah oo ay ka qeybgalayeen Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca Rayidka ee Waddamada Xiiirka wanaagsan a leh Dowladda Qadar.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca amaanka iyo sida loo xoojin karo wada shaqeynta dhinaca amaanka ee labada dal.

Wasiirrada Amniga ee uu Ra’isalwasaaraha Waddanka Qadar Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani uu la kulmay waxaa kale oo ka mid ah, Wasiirka Amniga Kenya, Ukrain, Bosnia and Herzagavine, Belarus, Maldova iyo Agaasimada guud ee Wasaaradda Amniga Turkiga Mehmet Aktas..

Back to top button