Somali News

Wasiirka arrimaha dibadda France oo Masar u jooga xallinta gefkii Macron ee ka dhanka ahaa Nabiga NNKH

Wasiirka arrimaha dibadda dalka France ayaa billaabay dadaal uu isugu soo dhaeynayo dalalka Muslimiinta ah ee dhawaan ka carooday hadaljii madaxweynaha France

Jean-Yves Le Drian ayaa Axaddii Magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar C/Fataax Al sisi iyo dhiggiisa Masar Saamix Shukri.

Waxaa ay ka wada hadleen carada ka dhalatay aflagaadada Nabi Muxamed NNKH ee wargeyska France iyo taageerada Emanuel Macron.

Wasiir Jean ayaa sidoo kale la kulmay Axmed Al Dayib Imaamka Azhar, waxaana uu ka cudurdaartay hadalka Madaxweynaha France.

Wasiirku waxa uu yiri “Faransiisku aad ayuu u xushmeeyaa Islaamka, waxaan dagaalka kula jirnaa waa Argagixisada afduubeysa Diinta, Islaamku ceeb ma laha”.

Axmed Al Tayib ayaa u sheegay Wasiirka ka socda Dowladda France in wax ka sheegidda NAbiga NNKH aysan ahayn wax la qaadan karo dadka Islaamka ahna diyaar u yihiin sifaaca Islaamka iyo suubbanaha.

Back to top button