Somali News

Wasiirka arrimaha dibadda oo Guddoomiyaha Midowga Afrika kala hadlay muddo kordhinta AMISOM

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/Risaaq Maxamuud ayaa Magaalada Adis Ababa kula kulmay Mussa Faki Maxamed oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowha Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiirka iyo Guddoomiyaha ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, Midda Gobolka tan guud ee Qaaradda Afrika iyo sidoo kale dib u eegis ku socota Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika uu 14ka Bishan March ka fariisanayo xaaladda Soomaaliya islamarkaana ay suuragal tahay muddo kordhinta Howlgalka AMISOM oo hadda ku dhow 15 sano.

Ciidamada AMISOM ayaa soo galay dalka sanadkii 2007dii wixii xilligaas ka dambeyayna waxaa ay ka howlgalayaan Soomaaliya iyaga oo dowladda Federaalka ah ka caawiyay in ay AL shabaab ka saarto Muqdisho iyo Gobollada dalka qaarkood.

Back to top button