Somali News
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Soomaaliya uga qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u dhoofay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay ee Dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay.
Wasiir Cawad iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya u metelaya Fadhiga guud ee 73-aad ee Qaramada Midoobay, isagoo wakiil uga ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shirkaas ka baaqday sanadkii labaad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay ka jeedin doona shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya.