Somali News

Wasiirka Caafimaadka oo beenisay in xalay kaliya 30 qof Covid19 ugu dhinteen Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fawsiya ABiikar Nuur ayaa beenisay warar 24kii saac ee la soo dhaafay lagu qorayay baraha bulshada oo la xiriiray in dad gaaraya 30 qof ay caabuqa Covid19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Martiini.

Wasiir Fawsiya Abiikar oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in 5 qof ay u geeriyoodeen xanuunka islamarkaana aysan jirin 30 qof oo dhimatay.

Waxaa ay dadka baraha bulshada wax ku qora uga digtay in ay faafiyaan wararka been abuurka ah ee lagu niyad jebinayo bulshada Soomaaliyeed.

Fawsiya ABiikar ayaa sheegtay in  kiisaska Covid19 ay kordheen loona baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.

 

Back to top button