Somali News

Wasiirka Caafimaadka oo ku baaqday in dalka lagu soo rago xayiraadda socdaalka

Fawsiya ABiikar Nuur,Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in dalka la geliyo xayiraad dhinac socdaalka ah.

Qoraal ay ku daabacday Twitterkeeda ayey ku sheegtay in sababta Covid19ka wajigii 1aad ee sanadkii hore loo xakameeyay ay ahayd xayiraaddii socdaalka ee lagu soo rogay xudduudaha dalka ee Cirka, Dhulka iyo Badda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Caabuqa Covid19 uu hadda si daran uga jiro dalka loona baahanyahay in laga qeyb qaato xakameyntiisa.

24kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa uu Covid19 ku dhacay 266 qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka,waxaa u dhintay 8 qof sida ay sheegtay Wasaaradda.

Hayeeshee dadka u dhimanaya Covid19 ee la aasayo ayaa aad uga badan kuwa ay sheegto Wasaaradda marka la wareysto ehelka dadka dhintay.

Back to top button