Somali News

Wasiirka Gaashaandhigga DF oo la kulmay Taliska Africom

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo Taliye Xigeenka CXDS Jeneral cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen Saraakiil ka tirsan Hogaankav Taliska Ciidamada Mareykanka ee soomaaliya waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada dhinac iyo sidii Dowladda Mareykanka ay u Xoojin leheed tababarada la siiyo CXDS gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dagaalka ka dhanka Al shabab.

Kulankaayaa looga wada hadlay sida ay u sii wada shaqeyn karaan labada dhinac kaddib bixitaanka Ciidanka Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa boorsooyinkooda ka urursaday Soomaaliya waxaana kaliya u haray saddex Beri.

Madaxweynaha Mareykanka ee waqtigiisa dhamaaday Donald Trump ayaa waxaa uu amar ku bixiyay bishii November in ciidanka Mareykanka ka baxaan Soomaaliya 15ka January 2021 oo ku beegan Jimcaha soo socda.

Back to top button