Somali News

Wasiirka hore ee Difaaca Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi

Ilaahay naxariista janno ha ku waraabiyo waxa magaalada Nairobi Ku geeryooday Wasiirkii hore ee Gaashaandigga Soomaaliya General Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.

General Cabdiraxmaan wuxuu jagooyin kala duwan ka soo qabtay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, sida taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa hawlgelinta Ciidanka Qaranaka, milatari ataajeega Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa Xidhiidhka Arrimaha Dibeda ee Wasaarada Gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga.

Madaxda Dawlada Federaalka ayaa tacsi gaar ah u diray ehelkii, asxaabtii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeryooday General Cabdiraxmaan Cali-beyr.

Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuum Cabdiraxman wuxuu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamadda Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeetka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray. Wuxuu kaloo waxbarsho la xidhiidha militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan wuxuu ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Ilaahay ha u naxariisto General Beyr.

Back to top button